Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xalay hoygiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Baanaadir ahna Duqa magaalada Muqadisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).
Guddoomiye Mursal iyo Cumar Filish ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladda amni ee gobolka Banaadir iyo doorashada lagu wado iney dalka ka dhacdo dalka 2020-ka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Cumar Filish lagula dardaarmay inuu ka shaqeeyo sidii amniga caasimadda u noqon lahaa mid la isku haleyn karo si doorashada soo socota si habsami leh ugu dhacdo.
Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya