Taliyexigeenkii hore ee NISA Gen. Cabdalla Cabdalla ayaa waxaa uu bartiisa Facebook ku soo qoray in Somaliya hadda la ugaarsanayo saraakiisha iyo shakhsiyaadka leh aqoonta Nabadsugidda si loo waayo shakhsiyaad keeni kara xal looga hortagi kara Alshabaab, dibna loogu dhisi karo ciidanka NISA oo si run ah loo dareemay baahida loo qabo si loo helo xog iyo xuraan dhab ah.
Jenanka oo xilka looga qaaday si loo banneeyo jagada uu hayey, isla markaaga looga saaro ciidanka shakhsiyaadka leh khibradda ciidan ayaa bartiisa ku qoray hadalkaan.
“Waxaa isasoo taraya Khatarta labada Alshabab ay ku hayaan Amniga iyo Saraakiisha , Waxaa jirta in magacyadooda, deegaanka, telka Sawirka iyo CV ha Saraakiisha Ciidanka lala wadaagay Alshabab ka duurka ayna bilaabatay in Sarkaalka loogu tago guryahooda oo albaabka lagu garaaco…
Arintaas Waa in laga hortago oo la qaado tallaaboyin isdifaac ah , sarkaal walba Waa inuu iska badalo Wixii telefan ah ee laga diiwaangaliyay inta Alshabab ku qabsadeen Hay’adaha amniga , in uu sameeyo aagbadal, in la wacyi galiyo qoyska Xubnihiisa ,Si aysan Xogta u bixin Hadii la weydiiyo meesha uu jiro iyo xilliga uu imaanayo.. Qof walba iyo Sarkal walba Waa inuu ogaadaa in uu cadowgu u dhowyaha oo uu la joogo Xataa Kan madaxda kuu ah uu noqon karo, sidaasna uu naftiis Amnigeeda ka taxdaro… Laba Alshabab Waa isku mid Waa xog keene iyo Fuliye.. Allah ayaa fashilin doona dhagartooda…” Halkaan ka eeg.
Qoraalka waxaa ka soo baxaya shakhsiyaad badan oo ciidanka ka tirsanaa oo la dilay seddexdii sano ee tagtay inay mas’uuliyadeeda wax ka leeyihiin hogaanka sare ee ciidanka iyadoo aysan jirin cid looga dacwoon kara. Qaarkood sida Amina Xuseen Xasan ayaa lagu dhex dilay iyadoo fasal ku jirta iyo kuwa kaloo badan ayaa iyagana sidaas loo dilay cidna isma weydiin waayo cidda dishay waa la ogaa loomana baahneyn in wax baaris ah lagu sameeyo.
Ugu dambeyn waa xaalad khater ah waxaana adkaan doonta in NISA la’aanteed laga baxo xaaladda Amnixumo iyo in NISA la soo dhiso haddii la wada dilo dadkii aqoonta u lahaa howlaha NISA.