Isbaheysi ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lagu aas aaso magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland,kaas oo ay hormuud u yihiin maamulada Puntland iyo Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa la filayaa in maalinta berito ah uu gaaro magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal,halkaas oo laga dareemayo diyaargarowga soo dhoweynta Wafdiga madaxweynaha Jubbaland.
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa lagu wadaa iney ku kulmaan magaalada Garoowe,xilli ay taagan tahay Xiisad u dhaxeyso maamulada Puntland iyo Jubbaland oo dhinac ah iyo Dowladda Federaalka.
Labada madaxweyne ayaa kulankooda waxaa la filayaa in ay kaga hadlaan arrimo dhowr ah oo la xariira doorashooyinka 2020-2021, waxaana kulankaan ugu yeeray Axmed Madoobe madaxweynaha Puntaland Siciid Cabdullaahi Maxamed Deni, sidoo kale waxaa la filayaa in ay ka wada hadlaan khilaafaadka ka dhexeeya Dowladda dhexe iyo Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe ayaa la dhibtoonaya cadaadis kaga imaanaya Dowladda Federal ka Soomaaliya, waxaana ay Dowladdu Qaadacday doorasho dhawaan ka dhacday Kismaayo taa oo Axmed Madoobe loogu doortay Madaxweyne, inkastoo si weyn looga soo horjeestay sheegashadiisa madaxweynanimo, waxaana xusid mudan in ay si weyn ugu soo horjeedteen siyaasiyiin wax garad ka soo jeeda Jubaland.
Dalka ayaa galaya doorasho sanadka 2020/21,iyadoo muran badan uu ka taagan yahay qaabka doorashada,ammaankana uu aad u xun yahay.