Sida ay inoo sheegeen ilo lagu kalsoon yahay Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa qorshe gaar ah ka bilaabay Muqdisho.
Waxa NISA ay bilowday inay Qorato Dhalinyarada yar yar Ee 20 ilaa 30 jirka ah oo lasoo xulayo.
Tababar Kooban kadib waxay ka qeyb noqonayaan kuwa Sugaya Amniga Caasimada ee dharka cad.
Inkastoo Saraakiisha Amniga ay ka gaabsadeen ka hadalka arimahaas hadana waxaa hubaal ah in Xilliyada Habeenkii ah la bilaabay in dhalinyarada la qoro.
Malkiilaha Dawlada Soomaaliya ayaa raba in Nabad sugid uu ku wareejiyo Amniga Xamar si ay uga hortegaan Fadqalalo Al Shabaab ay fuliyaan.
Si la mid ah Magaalooyinka Garowe iyo Kismaayo oo ay nabad sugida hor istaageen Shabaabka oo qofkii qof dila isna meesha lagu dilo.
Muqdisho ayaa weli waxay Shabaab heystaan Irdo badan ay kasoo geli karaan sida la sheegay taas oo ay ugu wacan tahay weerarada ay soo qaadaan iyo sida loogu sahlo oo saraakiisha ciidanka Dawlada qaar ay gacan saar la leeyihiin sida marar badan lagu Eedeeyey.