Post View....

Villa Somalia oo war kasoo saartay weerarkii Shabaab ay ku qadaeen saldhigga Mareykanka ee Manda Bay

0
71

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay caawa soo saartay ku sheegtay inay caalamka kula biireyso cambaareynta weerarkii koooda Al-Shabaab ay saaka ku qaadeen saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya.

“Weerarka fashilmay ee ururka argagixiso ee sii burburaya ee Al-Shabaab, kaasi oo lala maaganaa shaqaalaha iyo hantida difaaca ma dib u dhigi doono dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo kuwa diidan nabadda iyo xasiloonida gobolka” Ayaa lagu yiri qoraalka Villa Soamlia.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ciidamada Kenya iyo taliska AFRICOM ee Mareykanka ku amaaneyso sida fudud ee ay isaga caabiyeen weerarkaas, khasaaraha xooganna u gaarsiiyeen ururka Al-Shabaab.

“Dowladda Soomaaliya waxaay taageero buuxda u xaqiijineysaa dadaallada socoda ee gobolka looga ciribtirayo argagixisada, waxayna sii wadi doontaa inay saaxiibada gobolka iyo caalamka kala shaqeyso in nabad iyo baraare laga helo gobolka iyo dunidaba.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Kooxda Al Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay caawa ku sheegatay in weerarkaas ay “ku dishay 17 askari oo Mareykan ah iyo 9 Kenyan ah, kuna burburisay 7 diyaaradood iyo in ka badan 5 gaari oo kuwa ciidamada ah.”

Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa sheegay in war-saxaafadeedyo dhowr ah oo Al-Shabaab ay kasoo saartay dhacdadan ay yihiin kuwa lagu buun-buuninayo xaaladda amniga ee saldhigga. “Dhaqankan waa mid caadi u ah ururkan argagixiso.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

“Al-Shabaab waxay doortaan been, cadaadis iyo inay awood u adeegsadaan sare u qaadidda sumcaddooda, si ay u abuuran warar been abuur ah,” waxaa sidaas yiri agaasimaha howl-gallada AFRICOM Major General William Gayler.

About Author