Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa la filayaa maanta oo Sabti ah in lagu dhaariyo Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.
Munaasabad lagu qaban rabo Magaalada Dhuusamareeb, ayaa lagu dhaarinayaa 83 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, kuwaasi oo shalay liiska ku soo baxay.
Xildhibaanada Galmudug ayaa waxa ay ka kooban yihiin 89 Xildhibaan, balse Guddiga farsamada waxa ay soo bandhigeen 83 Xildhibaan, waxaana dhiman lix Xildhibaan.
Odayaasha qaar Beelaha dega Galmudug ayaa si wayn u saluugsan hanaanka loo soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug.
Liiska Xildhibaanada ee shalay la soo bandhigay, ayaa waxaa ku jira 20kii Xildhibaan ee Ahlu Sunna ay soo diyaariyeen, kuwaasi oo iyagana maanta la dhaarin doona.