Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamadda Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab oo ka dhacay Nawaaxiga garoonka Balidoogle ee Shabeelaha Hoose.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Al-shabaab ay weerar gaadmo ahaa ay ku qaadeen ciidamadda Dowladda gaar ahaan kuwa Danab ee Mareykanka uu tababaray.
Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay inay weerarkaas ku dileen kuna dhaawaceen askar dhowr ah, sidoo kalena ku qabsadeen hub, gaadiid iyo agab military.
“Allaah fadligii Al-shabaab waxay dagaalkaas ku qabsadeen saddex booyadood oo uu shidaal ka buuxo, hub iyo saanad ciidan, waxay sidoo kale dagaalkaas ku gubeen gaari uu saarnaa qori Zuug ah, halka sidoo kale uu cadowgu soo gaaray khasaare dhimasho iyo mid dhaawac” sidaas waxaa sheegay sarkaal u hadlay Xarakada Al-Shabaab.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo looga hadlaayo dagaalka ka dhacay Nawaaxiga garoonka Balidoogle ee Shabeelaha Hoose.