Hilibka Kalluun dhowr nooc ah ayaa magaalada Muqdisho ka noqday mid qiimihiisu aad u jaban yahay isla markaana lagu iibiyo goob kasta oo ganacsi, gaar ahaan nooca ugu wanaagsan ee Tonaha laga sameeyo ayaa si xad dhaaf ah loo geynayaa goobaha lagu iibiyo.
Shakiga la geliyay kalluunka aan horay loo arag ayaa waxaa soo baxaya inuu hoos u dhac ku yimaado dadka iibsanaya kaddib markii saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka ay sheegeen inay baaritaano ku hayaan nooc ka mid ah kalluunka oo ku soo caariyay xeeb ku dhow xerada Xalane.
Sarkaal u hadlay Wasaaradda Badda iyo Dekedaha ee Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay inay baarayaan sababta keentay inuu dibadda u soo baxo kalluunkaasi isagoo meyd ah, inkastoo aanay jirin kalluunka haatan la iibinayo oo meydkiisa baddu soo tuftay.
Inta badan xeebaha dalka Soomaaliya waxaa lagu arki jiray meydadka xayawaanada kala duwan ee ku nool Badda gudaheeda, iyadoo khubarada Badaha sheegayaan in kalluunkaan faraha badan ugu wacan tahay isbedelka cimilada Baddeena inay sababtay qulqulka kalluunkii ku xeebaha dalalka kale sida Kenya, Yeman iyo gacanka cadmeed.
Sarkaal ka tirsan maamulka dekedda Muqdisho ayaa sheegay ayaa sheegay in lagu jiro bad furanka, hase yeeshee aan la gaarin xilligii bad xiranka, wuxuuna tilmaamay in meydka nooc ka mid ah kalluunka aanu wax war ah ka heynin isla markaana loo baahan yahay inay muhiim tahay in meesha laga saaro walaaca ay ka muujiyeen shacabka Muqdisho.
Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa xilli dhowaan Baarlamaanka Federaalka ansixiyay sharciga Batroolka, kaddib markii dowladda Ra’iisal Wasaare Kheyre heshiis la gashay shirkado caalami ah oo ka shaqeeya soo saarista shidaalka ku jira badda iyo berriga isla markaana xirmooyinka horay loogu soo bandhigay magaalada London ee wadanka Ingiriiska la soo saarayo.
Dalka Soomaaliya oo leh xeeb aad u dheer waxaa ku jira macdan fara badan, iyadoo ay jiraan ceelal iyo goobo la sahmiyay isla markaana ay dhex ceegaagaan macdan kala duwan oo shidaalka uu ku jiro.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) oo ka hadlayay culeys xukuumadiisa uga yimid Dowladda Kenya xilli maxkamadda ICJ ay taalo dacwad ku saabsan muranka xuduud badeedka u dhaxeeya labada dal isla markaana dowladda Uhuru Kenyatta waxay sheegatay dhul ka badan 100 Meyl oo dhinaca biyaha Soomaaliya in go’aanka ka war dhowrayaan.
“Soomaaliya in shidaal laga soo saaro waxay qaadanee ilaa 10-sano, waxaana leeyahay dadka shacabka ku jaha wareerinaya warar aan jirin iyo badeena ayaa la qaatay, sidee loo qaadanaa Badda?” ayuu isweydiiyay Madaxweyne Farmaajo mar uu u jawaabayay diidmo xoogan oo ay ka keeneen madaxda maamul goboleedyada dalka ee ka qeyb galay shirkii ka dhacay magaalada Baydhaba shir ku saabsan qeybsiga iyo kheyraadka dalka.
Dhinaca kale Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee ka hor yimaada meel marinta sharciga Batroolka ee dhowaan ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka federaalka isla markaana sheegay inaan maamulkiisa lagala tashan.
“Sharciga Batroolka ee Baarlamaanku ansixiyay ma aha mid Puntland lagala tashtay” ayuu yiri Madaxweyne Dani oo sheegay inay mustaxiil tahay shidaal dalka laga soo saaro, wuxuuna hoosta ka xariiqay in caqabadaha jira ka mid tahay tan amniga iyo kuwo kale oo loo baahan yahay in duruuftu aanay saameynin xilligaan.
Jabriil Maxamud Nur (Jabra-Shaaciye)
E-mail: [email protected]