Post View....

Wasiirka Xannaanada Xoolaha XFS oo furay mashruuca tallaalka xanuunka Sambabka Ariga+Sawirro

0
90

Muqdisho:- Mashruucaan oo Cudurada Sambabka ku dhaca looga tallaali doonaa in ka badan 14 milyan oo Ari ah, oo ku dhaqan guud ahaan dalka, ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, waxaana ka qeybgalay Wasiirada Xannaanada Xoolaha ee heer Federaal iyo heer maamul goboleed, Masuuliyiin ka socday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,ururada ka shaqeeya Xannaanada Xoolaha ,dhaqaatiir iyo marti sharaf kale.

Qaar ka mida mas’uuliyiinta ka qeyb galay barnaamijka ayaa sheegay in uu tallaalkan muhiim yahay, islamarkaana loo baahan yahay in ay ka faa’iideystaan xoolo dhaqatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka oo dhan, si loo helo xoolo caafimaadkoodu dhammeystiran yahay.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo mashruuca daahfuray, ayaa ku dheeraaday ka hadalka qiimaha ay xoolaha u leeyhiin dhaqaalaha dalka, Wuxuuna tilmaamay in mashruucaan uu muhiimad gaara u leeyahay xoolaha iyo dadka intaba maadaama talaalka uu ka hortagayo cuduro badan oo ku dhaca xoolaha oo ay dadka Soomaaliyeed cuno iyo ganacsiba u isticmaalaan.

Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen wasiirka Xannaanda Xoolaha Soomaaliya ayaa dhinaca kale xusay in uu korar ku yimid dhoofinta xoolaha Soomaaliya, islamarkaana sanadkan la dhoofiyay in ka badan Saddex milyan oo neef, hadana ay qorsheynayaan in ay sare u qaadaan dhoofinta xoolaha oo sanadkan la gaarsiin doono ku dahawaad Shan Milyan oo neef, maadama ay dalal badan oo ay ka mid yihiin Cumaan iyo Qatar ay diyaar u yihiin in ay qaataan xoolaha Soomaaliya oo dhammeystiray shuruudihii looga baahnaa.

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, ayaa dadaal ugu jirta sidii Xoolaha Soomaaliya looga ciribtiri lahaa cudurada qatarta ah ee ku dhaca, si loo helo Xoolo caafimaadkooda la isku haleyn karo oo loo iibgeeyo dalalka kala duwan ee caalamka, taas oo qeyb weyn ka qaadan doonta kobaca dhaqaale ee dalka.

About Author