Post View....

Ma taqaan Kalmadda Aduunyo Macnaheed? Qore: Yahya Amir

0
84

Inta aad Qoraalkan Aqrineeysid, Qof ayaa laga qaadayaa Ruuxa oo Naftii ka soo baxday qaarka dambe. Mid kale ayey Xabadka ka sii bexeeysa, mid kale ayeey hadda ka wada baxday, mid kale ayaa hadda dhinaciisa dhulka la dhigay, mid kale ayaa Carradii ugu dambeeysay lagu daboolay.

Marka aad geeriyooto ugu horeyn Magacaaga ayaa la bedelayaa, waxaa la leeyahay: Meydka soo saara, si Gurigiisii runta ahaa loo geeyo. Saaxiibadaa iyo qoyskaaga oo murugeeysan yaa ku raacayo. Saaxiiba badan Maalintaa ayaa xusuustaada ugu dambeeyso. Dharkaaga waa la sadaqeynayaa. Shahaadooyinkaaga iyo Documentigaagu badankoodu waa qiima beelayaan. Magacaagu waxa uu ka baxayaa diiwaankii Shaqaalaha.

Hantidaadii waxa ey u wareegee kuwo ku dhaxlayo iyana kuwa kale oo aan ku aqoon ayaa ka sii dhaxlayo ama ka sii iibsanayo. Muddada ey sii joogaan Guriga Qoyskaagu Xasuustaadu waxaa ka harayo Sawirkaaga oo Darbiga suran ama ku keeydsan Mobilada qooyska. Muddo kadibna Mobilka ayaa la iska bedelayaa, Sawirkaagana Darbiga ayaa laga soo fujinayaa. Sawiradadu waxa ey ku harayaan Buuga Xasuusta Album-ka ee fadhaiga yaal. Mudo kadibna Sawirkaaga Guriga waa laga weynayaa.

Xaaskaagii ama Seygaagii lamaana kale ayuu yeelanayaa. Kuwii markii hore soo booqan jiray qabrigaaga ayaa ka caajisayo ama iyaga ayaa laftoodu Qabri galayo. Kadibna Dad kale ayaa is weeydiinayo Qabrigaanu yuu ahaa?. Muddo kadib waa la burburinayaa Qabrigaaga . waxa uu noqon karaa Musqul hoosteed, Dugsi quraan, Xarun lagu caweeyo, Masjid hoostii and Deegaan Dad kale.

Waxaa kuu bilaawday mar hore Xisaab cusub, Diiwaankaaga ayaa la furayaa. Qof kasta wixii la faray ayaa la weeydiinayaa. Masuul Ummadeed, Siyaasi, iyo Nabadoon waxaa la weeydiinayaa masuuliadii u gaarka aheeyd ee Dadka hortiisa ey ku dhaarteen, waxaa u sii dheer inta Masuuliyad oo ey la wadaagaan Dadka kale.

Intii aad qoraalkaan aqrineysay meeqa Qof ayaa Aduunyada faaruqday, Adiga iyo Annigana waa nagu soo socotaa. Ugu shaqeyso Aduunka sida Adiga oo weligaa Noolaanayo, Aakhirana ugu shaqeeyso sida Adiga oo Berri dhimanayo.

Cumrigu waa mid kooban, Aduunkuna sida kalmada “Aduun” ka muuqato oo macnaheedu yahay tii Gaabneed. Ku badalo mid dheer oo aan waqtigeedu dhamaan.

Waa iga talo, Nafteeyda iyo taadaba aan siinayo. Iga raali noqo, haddii aad dhibsanee in aan kuu sheego wax aad horeba u ogeeyd.

Qore: Yahya Amir

About Author