Post View....

Maleeshiyadka Al-Shabaab oo Xoolo ka dhacay Shacab ku dhaqan degmada Cadalle

0
93

Muqdisho:-Maamulka degmada Cadalle ee gobalka Shabeelaha dhexe ayaa sheegey in Maleeshiyada al shabaab ay dad Shacab ah ka dhaceen Xoolahooda

Guddomiyaha ayaa ayaa sheegey in ku dhawaad todobo xero ay u dhaceen maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaaasi oo ay kala baxeen Xoolo isugu jira Geel iyo Ari.

Guddoomiyaha ayaa sheegey in dadkan hadda ay soo ceerteen maleeshiyadu ay dib u dejin u sameynyaaan si ay dib ugu bilaabaan noloshoodii caadiga ahayd.

Sababta AlShabaab dadkan xoolahadooda ay u dhaceen ayuu mamaulka ku sheegey in Shacabka ay ku eedeeyeen iney la shaqeeyaan Dowladda oo ay u farmuuqaan gobaha ay AlShabaabku joogaan sidaa darteedna ay u dhaceen

Xoolaha ay dhaceen AlShabaabka aya tiro ahaan mmaamulka waxa uu ku sheegey in ku dhow 3 boqol oo neef oo Ari iyo geela isku jira.

About Author