Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xooggan oo dagaal yahanada Shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degaanka Sabiid oo u dhow Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Sida wararku sheegayaan, weerarkan oo ahaa mid gaadmo ah ayey Al shabaab ku bilaabeen Bambaanooyinka nooca gacanta laga tuuro, waxaana xigay iska hor imaad toos ah.
War ka soo baxay Shabaab waxey ku sheegteen in weerarkan ay ku dileen askari ka tirsan Ciidamada Mareykanka uu tababaro ee DANAB, halka sidoo kale ay nolosha ku wateen askari kale, kaasoo aan la garaneynin halka ay rasmi ahaan la aadeen.
Majirto ilo ka madax banaan Shabaab oo xaqiijin kara sheegashadooda, iyadoo xiriiro aynu la sameynay maamulka gobolka Sh.Hoose ay ka gaabsadeen in ay macluumaad ka bixiyaan weerarkan iyo warka ka soo baxay Al Shabaab.
Al Shabaab ayaa sanadkan cusub weeraro badan gaystay, iyadoo beegsatay Saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa shisheeye ee dalka ka howlgala, sida caadiga ahna Shabaab loogama baran in ay ka hadlaan khasaaraha weeraradan ka soo gaara.
Dowladda Somaaliya iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose wali kama hadlin sheegashada Al shabaab ee ku saabsan askariga ka tirsan Ciidanka DANAB in ay qafaasheen,waxaana masuuliyiin Magacooda ka gaabsaday Mustaqbal u sheegeen in ay “Baaritaan”.
Al-shabaab ayaa xoojiyay weerarrada ay ka fulinayaan Gobolka Shabeellaha hoose,waxaana khamiistii la soo dhaafay ay ciidamada dowladda kula dagaallameen degaanka Buulalow oo kaabiga ku haya Degmada AFgooye.