Post View....

Puntland oo laashay xukun lagu riday madaxii amniyaadka AlShabaab ee Muqdisho

0
71

Maxkamada racfaanka Puntland ayaa maanta jebisay xukun dil ah oo horey loogu riday Ayuub Nuur Nuux oo ahaa madaxii amniyaadka Alshabaab ee magaalada Muqdisho, sida ay Puntland horey u shaacisay.

Ayuub Nuur Nuux, ayaa 29-kii Bishii july ee sanadkii hore, lagu xukumay dil toogasho kadib markii maxkamadu ay sheegtay inuu qirtay in uu dad badan ku laayay Muqdisho, qaar badana amarkiisa lagu dilay.

Balse, maxkamada racfaanka ayaa xukunkaas jebisay waxayna ku xukuntay Ayuub Nuur Nuux shan sano oo xabsi ah.

Ninkaan, ayaa kamid ahaa tiro maxaabiis isugu jirtay Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo maanta maxkamada racfaanku qaar kamid ah xukunadoodii ay jebisay, halka qaar kalena ay ayiday.

Maxkamada ayaa aqbashay xukuno dil ah oo loogu riday Maxamed Xasan Baraka Xaarisa oo ahaa Miinayste Shabaab ah oo lagu qabtay dagaal ka dhacay Calmadow iyo Bishaar Maxamed Xasan, katirsanaa Daacish kana dambeeyay qaraxyo iyo dilka askar iyo saraakiil lagu qaarijiyay Bosaso.

Halkaan hoose ka akhriso dhammaan dadka la xukumay.

C/raxiin Maxamed Faarax dil toogasho
Bishaar Maxamed Xasan dil toogasho
Maxamed Xasan Baraka dil toogasho
Maxamuud Maxamed Ibraahim xabsi daa’in
Aadan Siidow Maxamed 15 sano oo xabsi ah
Isaaq Muqtaar Maxamed 15 sano oo xabsi ah
Nuurow Aadan Maxamed 15 sano oo xabsi ah
Cabdifitaax Axmed Faarax 5 sano oo xabsi ah
Ayuub Nuur Nuux 5 sano o xabsi
Cabdirisaaq Siciid Xasan 3 sano oo xabsi ah
Saleebaan Maxamuud Rooble 2 sano oo xabsi ah