Markii uu jiray da’da 21 sano wuxuu adeerkiis ka amaahday lacag dhan $3,000 si uu ugu soo dejiyo agabka beeraha lagu horumariyo.
Ganacsigiisa ayaa si deg deg ah ugu bullaalay, taasina waxa ay keentay in uu deyntii isaga bixiyo muddo saddex bilood ah laga soo billaabo billowgii shaqadiisa cusub.
Dangote wuuu noqday 2018-kii ninka ugu taajirsan Qaaradda Afrika isagoo lagu qiyaasay lacatiisa $14.1 bilyan.
Boqortooyada ganacsi ee uu Dangote billaabay soddon sano ka hor maanta wuxuu leeyahay shirkadaha ugu shaqaaleeysiinta badan gudaha dalkiisa hooyo ee Nigeria iyo shirkadda ugu wanaagsan galbeedka Afrika ee Dangote Group.
Ganacsiga Dangote ayaa ka kooban qeybo badan sida saliidda, wax soo saarka iyo kuwo kale 80% wax soo saarkiisa wuxuu ka yimaadaa shamiintada iyo agabka dhismaha.
Majallada Forbes ayaa laga soo xigtay in warshadaha yar yare ee Dangote ay soo saaraan sannad walba 44 milyan oo Metric, iyadoo sannadka 2020 la qorsheynayo in la kordhoyo 33%.
Dangote wuxuu dhashay 195, wuxuuna ku soo barbaaray guri ganacsi oo ku yaalla gobolka Kano ee Nigeria, Dangote wuxuu ku soo barbaaray muslimnimo iyo nolol heer sare ah.
Awoowihiis Sanusi Dantata ayaa mar loo magacaabay in uu yahay ninka ugu taajirsan gobolka Kano, Sanusi ayaa la wareegay barbaarinta Dangote markii uu geeriyooday aabihii 1965.