Magaalada Xamar Ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa dhawaan soo gaaray Wafdi Sirdoon Ah Oo Kulamo gaar gaar ah la qaatay Xubno katirsan Dawlada Soomaaliya.
Sirdoonka Dalalka Imaaraat-ka iyo Sacuudiga Saraakiil ka socday ayaana maalmo ka hor Safar aan la shaacin ku yimid Muqdisho.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Warqaad waxay sheegeen in ay ujeedka Socdaalkooda ahaayeen inay taageeraan Hay’ada Muqaabaraadka Soomaaliya.
Waxay la kulmeen sida la sheegay Wafdigaan Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Xubno la shaqeeya maadaama isaga uu Dalka ka maqnaa.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Dalalka Carbeed ay ku loolamayaa sidii ay galaan gal ugu yeelan lahaayeen Siyaasada Soomaaliyo iyo dhinaca Amniga.
Waxay Sacuudiga iyo UAE doonayaan inay soo wareejiyaan taageerada Villa Soomaaliya siiso Qatar oo ay aad isku fahmeen ayna macquul tahay in Xukuumada Doxa hesho Fursado badan oo Mashaariic laga fuliyo Soomaaliya.
Ilo wareed kale ayaa sheegaya inuusan ku Qancin Fahad Yaasiin Sirdoonka Yimid Xamar maadaama isaga uu saaxiib dhaw la yahay dalka Qatar oo Sirdoonkooda ay xiriir ka dhaxeeyo.