Waxaa la filayaa in dhawaan magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug gaaro Musharax Cali Maxamed Ciid oo u taagan qabashada xilka Madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug.
Musharaxa oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in uu gaaro magaalada Dhuusomareen si halkaasi uga bilaabo ololihiisa doorashada kursiga Madaxweyne kuxigeenka.
Sida aan wararka ku heleyno magaalada Dhuusomareeb waxaa ka socda diyaar garow xoogan oo lagu soo dhaweenayo Musharaxa Madaxweyne kuxigeenka Galmudug, taageerayaasha Musharaxa ayaana sugi la’ imaanshihiisa.