Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Maxamuud Siigaale oo ahaa nin oday ah ayaa goor dhaw lagu dilay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Dilka marxuumka ayaa waxaa geystay askari ka tirsan ciidanka Nabad sugidda dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka uu dilku u dhacay waxaana la sheegay in markii dilki dhacayey ay ciidamadu xaafado ka tirsan magaalada howlgal ka wadeen, isla markaana ninka la dilay oo ay la socdeen xaaskiisii iyo qaar ka mid ah caruurtiisa uu xabad ku riday askari ka tirsan ciidankii howlgalka ku jiray, sidaasna ay xabaddu ku haleeshay, isagoo isla goobta ku geeriyooday.
Warar kale oo ka soo baxaya qaab uu dilkaasi u dhacay ayaa waxa ay sheegayaan in ninka dhintay ay ciidamadu ku amreen inuu is taago, balse uu maqli waayey, maadaama uu dhega la’aa marxuumku, sidaasna ay toogashadu ku dhacday.
Askarigii ka dambeeyey dilkaas ayaa la sheegay in haatan la hayo, welina laamaha ammaanka magaalada Dhuusamareeb kama hadlin dilka loo geystay Marxuumka.
Allaha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan ayaa ka soo jeeday qoys lagu magacaabo reer Siigaale oo caan ka ah magaalada Dhuusamareeb, waxuuna hada ahaa nin oday ah isagoo ilaa yaraantiisii Harqaan ku lahaan jiray magaalada Dhuusamareeb.