Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo kamid ah musharixiinta Madaxweynaha Galmudug oo shalay galab gaarey dhuusamareeb ayaa ka hadlay Arrimaha doorashada Galmudug iyo qaabka ay ku socoto.
Waxaa uu sheegay in cabasho badan ay ka jirto arrimaha la xiriira doorashada Galmudug iyo qaabka loo soo xulay Baarlamaanka,hayeeshee ay u tanaasuleen danta dadka Reer Galmudug.
Waxa uu sidoo kale eedeyn u jeediyey Guddiga farsamada & dhismaha Galmudug,isla markaana Guddiga doorashooyinka gudoonka Baarlamaanka uu ku baaqay inay u madax baneeyaan howlaha socda.
Musharax C/raxmaan Odawaa ayaa ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad doorashada Galmudug,wuxuuna ka socda dhanka Xisbiga Mucaaradka ee UPD ee uu hoggaamiyo Xasan Sheikh Maxamuud.
Guddiga doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa durba howshooda guda galay,waxayna iclaamiyeen waqtiga la qabanayo doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka oo ah 17-ka bishan Janaayo.