Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxay u ambabaxeen magaalada Asmara ee dalka Eritrea, kaddib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa Isaias Afwerki.
Wafdiga Madaxweynaha soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ka sii sagootiyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo isugu jira wasiiro, xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya
Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Asmara ayaa la xiriiro arrimo ku saabsan iskaashiga Gobolka iyo xaalado muddooyinkii u dambeeyay soo kordhay.
Dowladda Eritrea ayaa muddooyinkii u dambeeyay loo arkayay inay heysay malafka arrimaha Gobolka Geeska Afrika ee danaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ka leeyihiin, iyadoo bishii hore Madaxweyne Isaias Afwerki uu socdaal ku tagay magaalada Abu Dhabi, maalmo kaddib u tagay Addis Ababa.
Eritrea ayaa bishii November ee sanadkii hore ku eedeysay Qatar inay dalkeeda ka wado xasillooni daro iyo kacdoon ay dooneyso inay ku kiciso dhalinyarada, abuurista falal amni daro oo ay ka mid tahay sameynta Kooxo shirqoolo dilal ku fuliya Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha sare.