War qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa dhamaan waxaa looga soo horjeestay Sharciga Batroolka ama Shidaalka Soomaaliya oo ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Sooomaaliya.
Maamulka Puntland ayaa sheegay in sharciga Batroolka ee Baarlamaanka ansixiyey uu ka hor-imaanayo dastuurka dalka & hehsiisyada soo socda.
Qoraalka ka soo baxay Puntland ayaa Sidoo kale waxaa lagu sheegay in Sharciga Batroolka ee la ansixiyey uu hoos u dhigayo Awooda Siyaasadeed,Dhaqaale iyo mid Maamul ee Dowlad Goboleedka Puntland.