Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta ku nool deegaannada Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya oo kaashanaya Cullimada ayaa waxay bilaabeen wacyigelin ka dhan ah Al-Shabaab oo mararka qaar weerar ka fuliya deegaano ka tirsan gobolkaas.
Odayaasha iyo Siyaasiyinta ayaa socdaalo kala duwan waxay ku bixinayaan deegaannada Gobolka Waqooyi Bari,iyaga oo qeybaha kala duwan Bulshada u sheegaya inay Al-Shabaab dhibaato ku hayaan dadka deegaannada Gobolkaas kana soo horjeesteen.
Dr Maxamed Daahiye Ducaale oo ka mid ah Mudanayaasha laga soo doortey degmada Dhadhaab ayaa sheegay in qorshaha Shabaab ka doonayaan Gobolka uusan noqon mid hirgala,waxaana uu Shacabka ugu baaqay inay ka hortagaan.
Sheekh Xasan Cabdi Gaambi oo kamid ah Golaha Muslimiinta Sare ee Kenya ayaa sheegay in Shacabka iyo Dowladda looga baahan yahay inay gacmaha isqabsadaan,isla markaana ay soo sheegaan cid kasta oo ka tirsan Al-Shababa oo ay arkaan.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay kordhiyeen weerarada ay ka fuliyaan Gudaha dalka Kenya,iyada laba todobaad Gudahood ay fuliyeen Saddex weerar oo khasaaro geystay.