Ibraahim Xasan Cawaale oo ka mid ah musharaxiinta u tartameysay ka mid noqoshada Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay inuu xilkaas ku waayay sawir uu la galay Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi oo ka mid ah mucaaradka sida weyn u dhaliilsan Dowladda Farmaajo.
Wuxuu sheegay in loo arkayay mid ku daba feelan mucaaradka,balse uusan aheyn,sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna hadalkiisa intaas sii raaciyay in la horkeenay markii uu ashtakooday sawir uu la galay Axmed Macalin Fiqi.
Xubnihii xulayay ayaa ku qanciyay Jawaabta uu ka bixiyay Ibraahim Xasan Cawaale sawirka la horkeenay,wuxuuna u cadeeyay in sawirka uu yahay mid iska caadi ah.
Waa dhacdo la yaab leh oo laga diiwaan geliyay soo xulista Baarlamaanka Labaad ee Galmudug,kaas oo faragelin toos ah ay ku sameysay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in xubno mucaarad ah ay ku jiraan Xildhibaanada cusub ee la soo xulay kuwaas oo markii dambe Xukumadda ay ka war heshay.