Post View....

Soomaaliland oo u digtay Dowladda Federaalka ( War-Saxaafadeed)

0
125

War-Saxaafadeed Caawa kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Maamulka Soomaaliland ayaa waxa eedeyn loogu jeediyay Dowladda federaalka, iyada oo lagu sheegay inay faragelin ku heyso xiriirka kala dhaxeeya dowladda Kenya.

War-Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Kenya ku eedeysay inay ku xadgudubtay midnimadeeda,kadib markii Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Kenya oo kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland uu Twitter-kiisa ku soo qoray hadal ahaa dalka Soomaaliland taas oo keentay in warqad ashtako ah ay Dowladda Soomaliya u gudbiso safariirka Kenya u jooga Muqdisho.

Soomaaliland ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqday inay ka Shaqeyso danaheeda gaarka ah, sida Amniga, Dadkeeda gargaarka bani-aadamnimo u baahan yahay,hayeeshee ay faraha kala baxaan xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliland & Dowladda Kenya.

About Author