Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle ayaa maanta duleedka Muqdisho ku qaabilay Guddiga Gaadiidleyda ee ka hawlgasha Deegaanada Hirshabelle.
Xasan Cabdulqaadir Muudey, La taliyaha Qaybta Warbaahinta ee Maamulka Hirshabelle oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay waxyaabihii ay labada dhinac uga wada hadleen kulankaasi.
“Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle State, Mudane Cali Guudlaawe ayaa maanta kulan wada tashi la qaatay Guddiga Gaadiidleyda ee Hirshabelle State. Kulanka oo aan ku wehlinayay Madaxweynaha wuxuu ahaa mid wadatashi.” Ayuu yiri Xasan Cabdulqaadir Muudey.
Waxa kaloo uu yiri “Madaxweyne Kuxigeenka ayaa si wanaagsan u dhageystay cabasho ay qabeen Guddiga, oo ay u soo gudbiyeen gaadiidleyda ka hawlgasha Deegaanada Hirshabelle.”
Xasan Cabdulqaadir ayaa tilmaamay in cabashada Guddiga Gaadiidleyda ay salka ku hayso dhibaato ay ku qabaan burcad wadooyinka u taagan, sidii ay lacago aan sharci ahayn uga qaadi lahaayen wada-yaasha gaadiidka.
“Inta badan cabashada Guddiga Gaadiidleyda ayaa ahayd burcad ay sheegeen inay wadooyinka taagan yihiin, kana qaataan lacago sharci-darro ah, runtii wuuna ka garaabay Madaxweyne Kuxigeenka.” Ayuu yiri Xasan Cabdulqaadir.
Xasan Muudey ayaa intaa ku daray “Waxaan u xaqiijinay Guddiga Gaadiidleyda iyo darawalada ka shaqaysa wadooyinka hoos yimaada Deegaanada Hirshabelle in aan diyaar ula nahay Saraakiil ka shaqaysa amnigooda, kuwaa oo ay la xiriira karaan, haddii ay burcad ku arkaan wadooyinka.”
Muudeey ayaa sidoo kale sheegay in aanan marna loo dulqaadan doonin in kooxo burcad ah ay dhibaan shacabka Hirshabelle State ee ku socdaala waddooyinka labada gobal ee Hirshabelle State ka kooban tahay.