Post View....

KASHIFAAD: Sheekh Shariif Oo Gadaal Ka Toogasho Ku Sameeyey Siyaasiyiin Badan

0
93

Sida ilaa hadda wax usocdaan waa qaabkii uu udejiyey Qorshe ahaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed kaas oo hanqal taag ballaaran ugu jira Doorashada 2021-ka Soomaaliya ka dhaceysa.

Doorashada Ololaheeda ayaa hadda socda oo siyaasi walbo uu rabo inuu libinta xagiisa ay soo marto.

Madaxda Dalka ugu sareysa Xilligaan dhankooda dab yar ma shidayaan oo waxaa la dhowrayaa weli Xisbigii Weynaa ee lasii ballamiyey Sanadkii hore 2019-ka.

Inkastoo Kheyre iyo Farmaajo ay is garab ordayaan mid walbana uu rabo Madaxweynaha Soomaaliya inuu isku soo taago 2021-ka hadana Mucaaradka ayaa midowgii ay sameeyeen Bilo ka hor kala dhantaal uu umuuqdaa.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa dhamaadkii Sanadkii hore Hogaamiye loogu doortay Madasha Xisbiyada Qaran Ee Dalka.

Xisbiyo Mucaaradka Dawlada ubadan ayaa ku bahoobay Madasha hase ahaatee Hanaankii lagu dhidbay waxay Madasha umuuqataa mid ka beydhay.

Himilo Qaran oo si gaar ah Shariif Sheekh Axmed Uhoos tago ayaa danaha Siyaasadeed iyo ololaha uu ugu jiraa,taas oo gadaal ka toogasho ku ah Siyaasiyiin badan.

Xubnaha Dhabar ka toogashada ay saameyneyso waxaa ku jira Xasan Sheekh Maxamuud oo Xisbigiisa UPD ay inta badan fadhiid ka noqdeen Shaqadii ay qaban jireen tan iyo Aas aasitaankii Madasha Xisbiyada Qaran.

Sheekh Shariif ayaa laba jibaaray Socdaalada dalalka Caalamka uu ku marayo si uu yoolkiisa Madaxtinimada guul uga keeno 2021-ka isagoo haatan kulamo siyaasadeed iyo taageero raadin ka wada Magaalada London iyo Magaalooyinka kale Ee Dalka Ingiriiska.

Mala sii saadaalin karo cida soo bixi doonto Madaxweynaha Soomaaliya 2021-ka oo Qawaamuur dhowr ah ay hami ka leeyihiin inay Doorashadaasi galaan.

About Author