Xiisad ballaaran ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto qeybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Dhexe taas oo dadka ay ka qabsi qabaan in la is fara saaro.
Waxay ka dambeysay Arintaan Kacsanaanta ah markii la sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa loo yaqaano gor gor loo diray dhawaan Degmada Raage Ceele Ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
General Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya ayaa la faray inuu soo xiro Korneel Cismaan Abshir Cumar oo loo yaqaano (Masdile).
Taliye Odawaa ayaa kaashanaya Madaxweyne Kuxigeenka HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen,iyadoo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha uu amray soo xirida Sargaalkaasi.
Ciidamo taabacsan Korneel Masdile ayaa kusugan Hadda Raage Ceele,waxa uu ka mid ahaa Sargaalkani Ciidankii qabtay Deegaanka Ceel saliini Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Waxa la sheegay in uu aad uga dhiidhiyey Qorshe dawlada Soomaaliya ku dooneysay inay ku duulaanto Senetor Muuse Suudi Yalaxoow Oo katirsan Aqalka Sare Hoyga uu deggan yahay Ee mirinaayana la saaro.
Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ayaa lasoo sheegayaa inay ka jiraan saacadihii lasoo dhaafay Raage Ceele,isagoo Korneel Masdile ku hanjabay inuu is difaaci doono hadii lasoo weeraro.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Muuse Suudi Yalaxoow uu taleefoonka kula hadlay Korneelkani uuna ka dalbaday Ciidan Difaaca,isna uu ka aqbalay senetorka.