Khilaaf Xooggan ayaa hareeyay dhismaha maamulka Galmudug iyo doorashada lagu wado iney ka qabsoonto magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Qaar ka mid ah Beelaha Habargidir ayaa qaadacay dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee uu Ra’iisal wasaare Xasab Cali Kheyre ka wado magaalada Dhuusamareeb halkaas oo ay ka taagan tahay caqabada ugu weyn ee hortaagan doorashada Galmudug.
Madaxweynaha maamulka galmudug Xaaf ayaa magaalada Gaalkacyo ka wada kulamo ka dhan ah doorashada Galmudug iyo guud ahaan dhismaha maamulkaasi,wuxuuna si aad ah u saluugsan yahay hannaanka Dowladda Federaalka ay u wajaheyso.
Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beeshiisa ayuu Xaaf ka dhaadhiciyay ineysan ka qeyb gelin howlaha ka socda magaalada Dhuusamareeb,maadama siday wax u socdaan aysan raali ka ahayn.
Sidoo kale, Beelaha qaar ee ku abtirsada Galmudug ayaa gadaal uga gurtay dhismaha Galmudug loo dhan yahay,islamarkaana ka wada qeyb galaan dhammaan Beelaha dega deegaanada galmudug.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Waxgaradka Beelaha qaar kula kulmaya magaalada Dhuusamareeb,isagoona ka dhaadhicinaya iney ku qancaan dhismaha Galmudug loo dhan yahay.