Saan saanta muuqata waxaa baaqan raba xaflada Sanad guurada 1aad Ee Doorashadii madaxweyne Siciid Dani oo diyaar garowgeeda maalmihii dambe socotay.
Wararka inaga soo gaaraya Garowe ayaa waxay sheegayaan in Xafladaasi sidii loo filayey ay hadda ka hoos martay.
Munaasabada ayaa la rabay inay noqoto mid la mid ah Caleemo saarkiisii sidii La iskugu yimid oo kale.
Madaxdii la casuumay iyo Marti sharaftii ayaan intooda badan halkaasi tegin taas oo caqabad ku ah qabashada Xafladaasi.
Lama saadaalin karo sida ay wax isku badeli doonaan saacadaha soo socda iyo Wafuuda la sugayo inay Garowe tegaan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Dawlada Soomaaliya si dadban uga hor istaagay Xafladaasi inay dhacdo,maadaama dagaal kala dhaxeeyo Puntland.
8 Janaayo 2019 ayaa la doortay Siciid Dani Doorasho ka dhacday Puntland berri oo 8 Bisha Janaayo 2020-ka ku beegan ayaana sanad ay ubuuxsameysaa Madaxweyne Dani.