Dawlada Iskutaga Imaaraat-ka carabta ayaa waxay soo dhejisey Barnaamij Dal ku galka Waddankaasi Dhamaan dadka Dunida ka imaanaya ay Shan Sano ku heli karaan.
Waxaa xitaa Ku jira Fursadaan in Qofka uu heli karo Dhalashada Dalkaas,balse maxaa ku hoos jira Mashruucaan?
Shakbada Badweyn Online ayaa daba gal ku sameysay waxay kaga goleedahay Imaarada Carabta Qorshaha ku duugan iyo waxa lagu afduubanayo Dadka Waddankaasi inay tegaan la jecleysiinayo.
In shan sano qofka loogu dhufto Dal ku galka Imaaraat-ka Markii uu dalxiise yahay waxa ay ka dambeysay Fikrad Madaxda Dalkaasi ay soo hindiseen.
Waxay Imaaraat-ku doonayaan inay helaan Dad ciidan ay uqortaan oo ay kadib inay difaac u noqdaan maadaama Shiicadu waayahaan dambe ay dar dar la yimaadeen.
Soomaaliya ayaa waxaa ay dooneysaa inay Maamul gobolleedyada qaar ka qaadato Imaaraat-ka Dhalinyaro Boqolaal ah si ay tababar ugu sameyso Xeryaha Dalkeeda ku yaalla.
Ma ahan Xiriir wanaagsan mid ka dhaxeeyo Dawlada Soomaaliya iyo Imaaraat-ka Carabta taas oo mugdi sii galay markii 2018-kii ay Lacag Malaayiin Dollar ah ay ku qabtay Dawlada Soomaaliya garoonka Diyaaradaha Muqdisho.