Post View....

Maxay kawada hadleen gudoomiyeyaasha Aqalka Sare iyo Guddiga Doorahooyinka?

0
104

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliima Ismaaciil Ibraahim iyo Komishineer Cabdiraxmaan Cusmaan Dirir ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Candullaahi.

Kulanka ayaa looga hadlay hawlaha guddiga kala dhexeeya Aqalka Sare oo ay ka mid tahay warbixinta 4 bilood laha ah ee guddiga uu horgeeyo Golaha 4tii biloodba mar.

Sidoo kale labada Guddoomiye ayaa isla soo qaaday hawlaha la xariira doorashada dhawaan dhici doonto iyo dowrka uu Aqalka Sare ka qaadan karo u diyaar garowga doorashada sida ansixinta Sharciga Doorashada ee hadda Golaha Aqalka Sare horyaallo.

About Author