Waxaa goor dhaw guud ahaan Magaalada Muqdisho laga maqlay jugta qarax aad u xoogan, xilli jawiga Magaalada uu yahay mid degan.
Qaraxa jugtiisa Magaalada laga maqlay, ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu ka dhacay Nawaaxiga Isgoyska Sayidka.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay in lagu qarxiyay meesha Baabuurta la dhigo ee Sayidka, halkaasinoo ay taagnaayeen gaadiid badan oo kuwa Shaqaalaha dowladda.
Koontaroolka Sayidka ayaa inta badan Baabuurta ay istaagaan, waxaana ka daga Baabuurka qofka wata oo Aqoonsigiisa u geeya Ciidamada Koontaroolka jooga si loo soo hubiyo, kadibna loo fasaxo.
Qiiq & uuro ayaa mar kaliya cirka isqabsatay, walina lama haayo faah faahin intaasi ka badan oo ku aadan Qaraxaan dhacay.