Qarax Gaari lagu soo raray ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Jugta qaraxa oo laga maqlay Xaafaddo kamid ah Muqdisho, ayaa ka dhacday Isgoyska Sayidka oo uu ku yaalo Kontorool laga ilaaliyo Madaxtooyadda Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in gaari ay ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa halkaas lasoo dhigay islamarkaana uu qarxay.
Dhanka kale Saraakiil ka Tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in gaariga qarxay uu ku jirey leenka baarista gaadiidka mara isgoyska Sayidka,islamarkaana uu qarxay xili baarista ay socotay.
Saraakiisha sidoo kale waxa ay sheegeen in gaadiid u badan Mooto bajaaj, ay goobta ku gubteen,islamarkaana uu jiro khasaare Nafeed.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladdda Soomaaliya ay ku jireen leenka Baarista Gaadiidka Dadweynaha.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay Isgoyska Sayidka,waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas ay ridayeen ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya.