Xubnaha Beesha caalamka ee jooga magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku cadaadinaya dhammeystirka dastuurka Soomaaliya oo muhiim u ah doorashada soo socota ee 2021,taas oo ka dhaceysa dalka.
Doorashadan oo la rumeysan yahay iney ka duwan kuwii dalka soo maray ayaa la sheegayaa iney noqoneyso qof iyo cod,waana u muhiim ah dastuurka qabyo qoraalkiisa uu socdo kaas oo muran badan uu ka taagan yahay
Qaramada Midoobay ayaa dadaal xooggan ku bixineysa sidii loo dhammeystiri dastuurka oo ahmiyad weyn u leh doorashada dalka ka dhaceysa sanadka soo socda 2021.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aansatay in dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah,inkastoo qaar ka mid ah dadka ku xeel dheer siyaasadda aysan qabin aragtidaas.
Ergayga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya James Swan oo la kulmay wasiirka dastuurka dawlada Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kala hadlay qodobbo dahwr ay ka mid yihiin dib u eegista dastuurka iyo muhiimadda ay u leedahay doorashada qorsheysan ee dhici doonta 2020/21.