Ka dib markii gelinkii dambe ee Sabtidii Magaalada Dhuusamareeb lagu dhaariyay laba iyo toddobaatan ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa magaalada lagu soo daadiyay ciidan fara-badan.
Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay lagu soo daadiyay wadooyinka ugu muhiimsan isu socodka magaalada, si ay amniga u xoojiyan.
Xaaladda Magaalada Dhuusamareeb ayaa la soo sheegaya inay xalay ka duwaneyd habeenadii la soo dhaafay, ka dib markii ciidan fara-badan lagu arkay wadooyinka, isla-markaana ay si dhow ula socdeen dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidkaba.
Sidoo kale Ciidamada Dowladda ayaa si weyn u adkeeyay amniga Xarunta Shirkoole ee shalay lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub. Xaruntan ayaa waxaa maalmaha ina soo aadan kulamo ku yeelan doono Xildhibaanada, si loogu diyaar-garoobo qaban qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.
Dhanka kale Xarunta Maamulka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka bilowday kulamo loogu ololeynayo Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Kuxigeenkiisa (Guddoonka Baarlamaanka).
Wararka ayaa sheegaya in wakiilada dhinacyada siyaasadda dalka ay si weyn uga dhex muuqdaan kulamada ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb.
Doorashada ay sanadkan marti-gelinayso Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka duwanaan doonto kuwii hore ee Galmudug, iyadoona si weyn loogu tartami doono loolanka loogu jiro Xafiiska Madaxtooyada.
Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee wax dooranaya ayaa waxaa la leeyahay waxaa si muuqato loogu musuq maasuqi doonnaa Doorashada Madaxtooyada, oo dhaqaalihii ugu badnaana la fillaayo inay ku soo kala jiitaan dhinacyada isu haya siyaasadda dalka.