Beesha Caalamka ayaa la sheegayaa in Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ku cadaadinayso in Wada-hadal la furto Maamuladda Puntland iyo Jubbaland.
Xubno ka Tirsan Dowladda ayaa laga soo xigtay in Xubnaha beesha Caalamka ay ku caadinayaan Madaxda Dowladda Dhexe in ay wada-hadal la furaan maamuladda Puntland iyo Jubbaland,madaama labadda maamul aysan xiriir la laheyn Dowladda Dhexe.
Arintaan waxaa Dowladda Dhexe ku cadaadinaya Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan,kaasi oo xalay magaaladda Muqdisho Kulmay Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre.
Kulanka labadda dhinac ayaa looga hadlay Doorashooyinka Qaranka ee lagu wado inay dalka ka dhacaan 2020/2021 iyo sidii beesha caalamka kaalin ugu qaadan laheyd fududeynta qabsoomimadda Doorashadaas.