Qaar ka mid ah Beelaha ka carooday sida ay wax uga socdaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,halkaas oo ay fidsan tahay gogol uu fidiyay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Xaaf ayaa dhawaan shaaciyay shir ka dhacaya magaalada Gaalkacyo kaas oo looga arrisanayo aayaha Galmudug iyo doorashada la filayo iney ka dhacdo Galmudug ee hoggaanka cusub lagu dooranayo.
Sida muuqata madaxweyne Xaaf ayaa ka carooday sida ay Dowladda Federaalka u wado dhismaha Galmudug iyo sida looga fara maroojiyay awoodda maadaama uu yahay madaxweynaha Galmudug.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ergo kala duwan ay gaarayaan magaalada Gaalkacyo,kuwaas oo aqbalay baaqii madaxweynaha Galmudug Mr. Xaaf,waxayna u badan tahay in Dowladda Federaalka ay faragelin ku sameyso dhaq dhaqaaqa uu madaxweyne Xaaf ka wado magaalada Gaalkacyo.
Xaaf ayaa ka horyimid Liiska Xildhibaanada lagaga dhawaaqay Galmudug,wuxuuna ku tilmaamay mid xaaraam ah oo aan loo marin wadadii saxda ahayd,sidoo kalena wuxuu eedeyn kulul kala dul dhacay Xildhibaano ka soo jeedo Galmudug oo taageeray Xildhibaanada la shaaciyay,isagoona ku tilmaamay kuwo qas iyo fowdo ka wada Galmudug.