Post View....

Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland “Dadka xiran waa muwaadiniin la soo Eedeeyay Maxkamad ayaana la tiigsan doonaa..”

0
111

Maamul Goboledka Puntland ayaa jawaab kulul ka bixiyay dalabkii uu u gudbiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku saabsanaa in Puntland ay si shuruud la’aan ah kusii deyso Xubno ka tirsan Guddiga dhismaha Wadada Bartmaha Boosaaso oo dhawaan la xiray.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland Max’uud Xasan Ow Cusmaan oo Warbaahinta la hadlay aya sheegay in xubnahaas ay ku xad gudbeen sharciga u degsan Puntland,isla markaana ay yihiin dad la tuhunsan yahay oo Maxkamad ay xirtay.

Waxaa uu sheegay in cid kasta uu sharciga ka sareeyo,isla markaana aysan ka hadli Karin Madaxweyne ama Ra’iisul Wasaare,sidoo kalena siideyntooda ay Maxkamad Go’aan ka gaari doono,hayeeshee dadka ka hadlaya aysan ogeyn danta gaarka ah ay leeyihiin.

“Dadka xiran waa muwaadiniin la soo Eedeeyay Maxkamad ayaana la tiigsan doonaa,hadii dambi lagu waayana waa la siideyn doonaa,laakin cid ka hadli karto majirto horay ayaa dad loo xiri jiray dalkana sharci ayuu leeyahay cid soo faragelin kartana majirto ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland.

Dhanka kale  dadkaan ay Puntland xirtay ayaa ka tirsanaa Guddiga dhismaha Wadada Boosaaso,waxaana sababaha ugu weyn ee loo xiray ka mid ahaa lacag ay dowladda Soomaaliya ugu deeqday dhimaha wadadaas taas oo lagu amray inay dowladda dib ugu celiyaan balse ay diideen taas oo keentay in la xiro.

About Author