Post View....

Xaaska Madaxweynihii Hore Ee Mareykanka Oo Difaacday Xildhibaan Ilhan Omar

0
120

Qoraal ay Michelle Obama soo dhigtay Twitterkeeda waxay ku sheegtay in qofka ku dhashay Maraykanka iyo kan Qaxootiga ku ah ay wada leeyihiin Maraykanka, isla markaana loo baahan yahay in maanka lagu hayo inaysan jirin cid gooni u leh Maraykanka ee la wada leeyahay.

“Xitaa, haddii aan ku dhalanay halkan ama aan soo raadsanay Qaxooti, waxaa jira meel aan wada leenahay, waana waajib inaan xusuusnaano inaysan ahayn Maraykankaya ama Maraykanka, ee waa Maraykanka aan wada leenahay” ayey ku qortay Twitterkeeda.

Marwadii 1-aad ee hore, Mishelle Obama oo 55 jir waxa uu biyo-dhaca Twitterkeeda u muuqday mid ay ku naqdinaysay hadalkii Madaxweyne Trump ee uu dhawaan ku sheegay in Xildhibaanadda Haweenka Midabka leh ee ka tirsan Kongareeska ay dib ugu laabtaan dalalkoodii hore.

Sidoo kale, Madaxweyne Trump oo Arbacadii hore ka qeyb galay Dibadbax ay Taageerayaashiisa kla dhigeen magaalladda Greenville ee Gobalka North Carolina ayaa waxay ku dhawaaqayeen “Iyada dib u celi”, taasi oo ay si toos ah ugala jeedeen Xildhibaan Ilhan Omar oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka.

Trump waxa maalintii ku xigtay u sheegay Suxufiyiinta inuusan ku faraxsanayn inaysan ka jarin Dhawaaqii Jaanta ee ay Dibadbaxayaashiisa si tooska ah ugu gefayey Ilhan Omar.

Dhinaca kale, Telefishinadda Maraykanka iyo kuwa Caalamiga ayaa soo bandhigay iyadoo uu Madaxweyne Trump u oggolaanayo Dibadbaxayaasha inay sii wadaan Jiibista Jaantooda ahayd “Dib u celi iyada”  muddo 10-ilbiriqsi ah, ka hor inta uusan dib u bilaabin Khudbadiisa.

Mar ay Suxufiyiinta Donald Trump ku wareysteen Aqalka Cad waxa uu u sheegay inuusan ku faraxsanayn inaysan Warbaahinta jarin Jaantii Taageerayaashiisa ee ka dhanka ahayd Ilhan Omar.

Waxa kaloo Trump  wax laga weydiiyey waxay ahaayeen Dibadbaxayaashii ku dhawaaqayey hadalkaasi, wuxuuna xusay inay ahaayeen Dad aan la rumeysan Karin iyo Waddaniyiin ay adag tahay in la rumeysto.

Dhinaca kale, Trump waxa uu Suxufiyiinta ugu sheegay Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka inay iyada nasiib leedahay halka ay joogto, oo uu ugala jeeday Xildhibaan Ilhan Omar oo ka mid ah Xildhibaanadda haweenka ka tirsan Kongareeska ee uu Trump u muujiyo Cunsuriyadda.

Xildhibaan Ilhan Omar oo ka jawaabtay Jaanta Taageerayaasha Trump waxay isaga ku cambaaraysay hadalladiisa Cunsuriyadda, isla markaana uu leeyahay calaamadaha Fashiiste ka soo horjeeda Dimuqraadiyadda.

About Author