Post View....

Wararkii ugu danbeeyey ee Dhuusamareeb

0
130

Odayaasha Dhaqanka Magaalada Dhuusamareeb oo Qaadanaya Kaalintooda dhaqan ee Dhismaha Galmudug iyo Xalinta Culeesyada Maalmahaan ka Dhex Jira Dhinacyada Dowlada iyo Ahlusuna ayaa Maanta Kulan ku Yeeshay Dhuusamareeb iyagoo is waydiiyay Doorkooda ku Aadan Xaalada Taagan iyo sida Xalku ku jiro Waxa ayna ugu dambeyn isla Qaateen in ay La kulmaan Gudoonka Ahlusunna Mcln Maxamuud sh Xasan Kadibna u Gudbaan Raysulwasaare Kheyre iyagoo dhageysanaya Heerka Isfaham ee Labada dhinac iyo In Odayaashu Taladooda ku Biiriyaan Dhinacyadan si loo Daaweeyo Tabashooyinka Jira,

Raysulwasaare Kheyre ayaa Rajo badan ka qaba in uu Xaliyo Diidmada Ahlusunna ee ku Saleysan ciidamada Booliska ah ee Raysulwasaaruhu Dalbadey kuwaa oo Rasmi ahaan qorshuhu ahaa in Lagu Wareejiyo Amaanka Garoonka Diyaaradaha waxaana Cutubyadan la Socda Eegaha Wax Ureeya ,Agab Ciidan iyo Qalabka Baaritaanada

Diyaarada Sidey Ciidanka Booliska Gaarka ah oo Garoonka muqdisho ka soo Duushey Barqanimadii Maanta ayaa Dib u Laabatey 10 daqiiqo oo Hawada ay ku soo Jirtay Kadib, Xogaha soo baxaya ayaa sheegayaIn Xalay Dowladu Kordhisey Tiradii Ciidamadaasi Taa oo Sare u Qaadey walaaca Ahlusunna ee Ciidankaa

Raysulwasaaraha oo Saraakiisha Qaar usoo jeedisay in Diyaaradu ka Dagto Cadaado ama Caabudwaaq ayaa ku adkeystay in Diyaaradu ku Laabato Garoonka Aadan Cade maadaama Tilaabadaa hadii la Qaado ay Muujin Karto Fashil ku Yimid Howshii uu Dhuusamareeb u Joogey Wax ka Badan 30 Cisho

Kheyre iyo Wasiiradiisa Dhuusamareeb ku sugan ayaa isugu Tagey Aaga Raysul wasaaruhu Dagan yahay Waxaana Jira Kulamo Xasaasi ah oo la Rajeynayo in Xal looga Gaaro Qilaafka amniga

Marka laga soo Tago Saameynta Siyaasadeed ee Isfaham waagan ku Saabsan Isfahmi Waaga Ku saleysan Ciidamadaasi , Waxaa Si Caadi ah uwada Shaqeynaya Ciidamada Amniga ee la isku dhafey oo Kawada Howl Galaya Goobihii La Geeyay sida Booliska iyo NISA .

XIGASHO
CABDULAAHI WARSAME ROOBLE
DHUUSAMAREEB

About Author