Post View....

Dhowr Qof Oo Lagu Dhawaacay Toogasho Ka Dhacday Maraykanka+Sawiro

0
131

Nin hubeysan ayaa la sheegay inuu weerar ku qaaday goob ay ka socotay Dabaaldeg Sannadeed dhanka cuntada oo lagu qabtay Gobalka California ee dalkaasi.

Ugu yaraan 5 qof ayaa la soo weriyey in la toogtay, kadib, markii uu Nin hubeysan uu tacshiirad ku furay dad isugu soo baxay goobta uu ka socday Dabaaldega, sida ay sheegeen Boliska iyo Saraakiisha Isbitaalka.

Faahfaahin kooban ayaa ilaa iyo haatan laga helayaa khasaaraha ka dhashay Toogashadaasi oo dhacday Oogtii hore ee saakayto oo Isniin ah (Abaarihii 01-dii Habeenimo ee Xilliga GMT).

Shaqaalaha Gurmadka waxay sheegeen inay dhowr qof dhulka yaaleen, kadib, markii ay rasaasta ka shanqarmatay Dabaaldegga Gilory Garlic Festival oo sannad kasta lagu qabtay Degmadda Gilory oo 48 KM dhanka Koonfurta kaga toosan magaalladda San Jose.

Afhayeenadda Xarunta Daaweynta ee Santa Clara Valley Medical Center oola hadashay Telefishinka ABC News  waxay sheegtay in la soo gaarsiiyey 2 qof oo lagu soo dhaawacay Toogashadaasi, isla markaana ay rajeynayaa in ugu yaraan 3 kale la soo gaarsiiyo Isbitaalka.

Muuqaalo la soo dhigay Baraha Bulshadda ayaa laga dheehan karaa lagaa iyadoo ay dadkii ka soo qeyb galay Dabaaldegaasi ay isku dhex yaacaan, iyagoo baqdin darted u kala cararay.

Madaxweyne Donald Trump waxa uu Bartiisa Twitterka soo dhigay qoraal uu dadka ku sugnaa Dabaaldegaasi , wuxuuna qoraalkiisa ku soo koobay: “Noqda kuwa taxadara iyo Ammaan”.

Dabaaldeg Cunteedkaasi oo la asaasay muddo haatan laga joogp 40-sanno waxa uu socon doonaan muddo 3 malamood, iyadoo lagu soo bandhigayo noocyadda Cuntada, Sharaabka, Madadaalo Toos ah iyo Tartan Cunto-karin ah.

   

About Author