Post View....

Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal xalay ka dhacay deegaan ka tirsan Shabeellaha Hoose

0
98

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Ciidamada Danab iyo dagaalamayaasha Al-shabaab xalay ku dhexmaray deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay,kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Danab ay ku leeyihiin deegaanka Sabiib,isla markaana waxaa intaasi kadib xigay dagaal kooban oo halkaas ka dhacay.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in dagaalkaas uu ka dhashay Khasaaro kala duwan,hayeeshee aysan xaqiijin karin inta uu la egyahay.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka dowlada ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Al-shabaab,kaasi oo kusoo qaadeen Saldhig Ciidanka Danab ay ku leeyihiin deegaanka Sabiib ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay aan ka heleyno deegaanka Sabiib iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka Danab iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya halkaas ay ka wadaan howlgal ka dhan Al-shabaab.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa mararka qaar waxaa ay weeraro kala duwan ku qaadaan Saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaan ka tirsan Gobolada dalka,kuwaasi oo geysta Khasaarooyin kala duwan.

About Author