Post View....

Maamulka Puntland oo soo Bandhigaya Baaritaanka lagu sameeyay dilkii loo geystay Paul Anthony Farmosa

0
109

Madaxtooyadda Maamulka Puntland waxay War-saxaafadeed ka soo saareen qoraalkii lagu soo daabacay Wargeyska The New York Times bishan July 22-keedii, kaasi oo lagu soo bandhigay Cod laga duubay Danjiraha Qatar u jooga Somalia, Ambassador Xasan Bin Xamsa Haashim iyo Ganacsade lagu magacaabo Khaliifa Kaayed Al-Muhanadi oo aad ugu dhow Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Althaani.

Qoraalka uu Maamulka Puntland ka soo saartay arrintaasi ayaa lagu muujiyey inay ku soo baraarugeen walaaca Warbixintaasi oo hal-ku-dheg looga dhigay: “Qoryo, Kaash iyo Argagixiso, Dowladaha Gacanka oo ku hardamaya Awoodda ee gudaha Somalia”.

Puntland waxay tilmaamtay inuu Maqaalkaasi faahfaahiyey Cod laga duubay Danjiuraha Qatar iyo Ganacsade Al-muhanadi bishii May 18-dii, kaasi oo ay kaga wada hadleen Qarixii gaariga loo adeegsaday ee ka dhacay Maxkamadda Bosaaso bishi May 11-dii ee sannadkan.

Qoraalka Puntland waxay sheegtay inay qaraxaasi ku dhaawacmeen 8 qof oo Soomaali aan waxba galabsanin, iyadoo ay Kooxda Daacish-ta Somalia sheegatay mas’uuliyadda Qaraxaasi bishii May 12-dii.

Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyadda Puntland oo ku qornaa Luqadda English-ka, waxaa lagu xusay inay Puntland sannadihii la soo dhaafay dagaal kula jireen kooxo ay ugu yeereen Argagixiso, kuwaasi oo lagu eedeyeey inay dilal la beegsadaan Dadka Rayidka, Hoggaamiyayaasha Ganacsatadda ee caanka ah iyo guud ahaan Saraakiisha Dowladda Puntland, gaar ahaan kuwa ku sugan hareeraha iyo gudaha magaalladda Dekedda leh ee Bosaaso oo ah Xarunta ugu weyn Gnaacsiga Dowladda Puntland ee Somalia.

Qoraalka waxaa lagu xusay inuu Madaxweynaha Puntland, Saciid C/llaahi Deni ugu baaqay Guddiga Fulinta iyo Xildhibaanadda Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka Somalia inay qaadaan Baaritaano ku aadan Eedeymahaasi khatarta leh, isla markaana ay Puntland diyaar u tahay Iskaashi buuxa iyo inay taageeraan horumarka Baaritaan kasta.

Qoraalka waxaa kaloo lagu muujiyey inay Dowladda Puntland sida ugu dhaqsaha badan u soo saari doonto faahfaahinta dheer ee Baaritaankooda khaaska ee ku aadan weeraradii Argagixiso ee ugu dambeeyey ee ka dhacay gudaha magaalladda Bosaaso, oo ay ku jiraan dilkii lagu khaarijiyey Maareeyayaashii Shirkadda P & Ports ee gacanta ku haysa Dekedda Bosaaso bishii Feberaayo 4-dii ee sannadkan 2019-ka.

Ugu dambeyntii qoraalkii ka soo baxay Madaxtooyadda Maamulka Puntland waxaa lagu caddeeyey inay ka go’an tahay in la midoobo, Dimuqraadiyad iyo Federalka Somalia iyo in Nabad iyaga dhexdooda ku wada noolaadaan iyo dalalka deriska iyo Caalamka oo dhan.

About Author