Post View....

Walaalo khayr qaba!!!.

0
121

Labadaan Nin waa Yemaniyiin. Dalka Yemen markii Dagaalka ey Ku qaadeen walaalahooda Carbeed, waxaa loogu daray Cuna qabateeyn Sababtay macluul baahsan oo saameysay Bulshadii Ku nooleed Dalka Yeman.

Dumar iyo Caruur Ka sokoow raggii ayaa sidaa noqday( F.S: 1aad).kuwii cunaqabateynta saarayna war uma hayaan in walaalahood baahi u dhimanayaan ( (F.S: 2aad)

Yemeney iska Raali ahaada, walaalo Carbeed oo tira badan waad leedihiin, laakin tiro mar kasta wax ma tarto, Ku samra Nabi Yusuf CS. Walaalo badan ayuu lahaa, 11 wiil, in ey dilaan oo ceel Ku ridaan ayeyna Ku heshiiyeen. Nabi Muse CS, hal walaal ayuu lahaa wuuna kaalmeeyay.

Annagu Somali ahaan, Madi miyaan nahay, Mise walaalo ayaan leenahay?. Ma Kala naqaan walaalkeena runta ah iyo Kan kale?

Haddii aad walaal leedahay maad doonatid? Haddii aadan walaal leheyn Adigu maad is walaashatid?

Qore: Yahya Amir.

About Author