Post View....

Hal-door la Wareegay Xilka Guddoomiyaha Degmada Xamar Ja-jab

0
120

Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay, looguna tala-galay xil wareejinta maamulka Degmada Xamar Ja-jab ayaa maanta ka dhacday xarunta Degmadaas ee magaalada Muqdisho.

Xafladaas oo si wanaagsan loo soo abaabulay ayaa waxaa ka qeyb-galay madax ka socotay G/Banaadir iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta iyo shacabka ku dhaqan Degmadaas.

Guddoomiyihii hore ee Degmada Xamar Jajab, Ismaaciil Muqtaar Cumar (Oranjo) oo munaasabaddaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu maanta xilka Guddoomiyaha Degmdaas ku wareejiyo saaxiibkiisa Guhaad Sheekh Xasan Cali oo uu dhowaan xilkaasi uu u soo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Xamar Jajab Guhaad Sheekh Xasan oo isna munaasabaddaasi ka hadlay ayaa sheegay in Maamulkiisa cusub ay horyaallaan shaqooyin culus oo u baahan in wax laga qabto, wuxuuna caddeeyay inuu xoogga saari doono wax u qabashada bulshada Degmadaas gaar ahaan dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Labaddii maalmood ee la soo dhafay waxa Baraha Bulshada qabsaday Hambalayada loo dirayay Guddoomiyaha cusub ee Xamar Jajab, taasi oo muujinayso inuu yahay nin la jecel yahay oo taageerayaal badan ku leh bulshadiisa.

WD:C/Laahi Shiikhaalow

About Author