Post View....

Soomaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu nadiifinayo dekadda Kismaayo

0
110

Dowladda Soomaaliya ayaa dalka Talyaaniga la saxiixatay heshiis dakadda magaalada Kismaayo looga nadiifinayo haraadiga markiib horay ugu burburta dakadda. Labada dal ayaa isla gaaray heshiis biyaha dakadda looga soo saarayo burburka qaar ka mid ah maraakiibtii hore ee Soomaaliya oo hataan caqabad ku haya shaqada dakadda.
Soomaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu nadiifinayo dekadda Kismaayo
Heshiiskan oo ay fulineyso shirkadda Alfa ayaa looga gol leeyahay sare u qaadidda howlaha baaxadda leh ee ay qabato dekedda Kismaayo. Dhawaan ayaa la filayaa in ay billowdaan howlaha lagu nadiifinayo burburka dhex yaalla biyaha dakadda oo mararka keeni kara in ay ka dhashaan halis soo wajahda maraakiibta iyo doomaha ganacsi ee halkaasi kusoo xirta. Hoggaamiyaha maamulka Jubbalaan Axmed Maxmed Islaam oo ay wehliyaan masuuliyiin Talyaani ah iyo sidoo kale saraakiil ka socday hay’adda cunnada adduunka ee WFP ayaa arbacadii booqday dekedda. Tan iyo sanadkii 2o12-ka xasilloonida iyo ammaanka ka hanaqaaday magaala xeebeedka Kismaayo ayaa sababay in ay sare u kacdo muhimadda dekadda Kismaayo ee Koonfurta Soomaaliya.

About Author