Post View....

Eng Yariisow “Ma qaadanayno in dhowr qof inta ay qoryo qaatan ay shacabka dhibaateeyaan.”

0
108

Muqdisho:- Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo kormeeray saldhiga Galbeed ee degmada Dharkenley, halkaas oo talisku ay ku wareejiyeen Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamda Qalabka Sida dad ku eedaysan buracadnimo iyo hubkoodii oo lagu soo qabtay falal ka dhan ah Amniga oo ay ka geysteen Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa uga mahad-celiyey bulshada Caasimadda doorka ay ka qaateen qabashada eedaysaneyaashan oo boob hantiyeed iyo handadaad joogta ah ku hayey deegaanno ka tirsan Gobolka.

En.Yarisow ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shacabka Caasimaddu ay meel uga soo wada jeesteen cid kasta oo cadow ku ah horumarkooda iyo amnigooda, lagana soo gudbay xilligii ay burcadku ku dhex dhuuman kareen ama ay garab u heli jireen falalkooda gurracan.

“Nabadeynta iyo amniga Caasimadda ayaan dedaal badan gelinnay, mana qaadanayno in dhowr qof inta ay qoryo qaatan Shacabka dhib u gaysanayan oo ay ku tala galaan in ay boobaan, jirdilaan, hantidooda iyo naftoodaba wax yeeleeyaan. Cidda qoriga iyo colaadinta naga mudan waa cadawgeenna Alshabaab oo markasta inoo maleegaya falal gumaad iyo arxan darro ah.”

About Author