Post View....

Shukulaatadii Yaa Cunay?

0
112

Macallimad Cadaan ah ayaa waxa ey wax bari jirtay Laba Wiil oo Cadaan ah iyo mid Madow ah.

Macallimaddii ayaa laga cunay Shukulaato, in kasta oo Shukulaatada raadkeeda Madow uu Ka muuqday Afka Labada wiil ee Cadaanka ah. Haddana kii Madoobaa ayaa farta la iskula fiiqay, illeyn isagu waa wada Madoowyahay. Todoba Cisho ayaana Dugsigii laga eryay. ( F.S: 1aad)

Hadda waxaa Noo yimid Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynihii hore ee South Africa Mr. Thabo Mbeki oo la socdo ergo ey Midawga Afrika – AU, lug Ku leedahay, soona maray Nairobi oo la Soo kulamay Mr.Uhuru Kenyatta.( F.S: 2aad)

Macallinka oo ah AU , Mr.Thabo iyo Uhuru, Saddaxdu waa isku egyihiin, yeeyna nagu noqon sida Macalimadii iyo Labadii Arday oo ayaan la dhihin Arrinta Badda waxaa la wareegay AU, kadibna aan Todobo Cisho Dugsiga nalaga eryin. Baddaa laga hadlaana waa la leeyahay.

Tallo:
Madaxda si fiican haloo Soo dhaweeyo, Martida yaan Nalagu ceebeeyn, Ergo waa la dhoowraa hala Sharfo, laakin haddii Bad la Soo qaado, Ballantu waa tii hore iyo Maxkamadii “the Hague” , Barbarkeey Ka baxdaa…
Waa iga Talo.

Qore: Yahya Amir

About Author