Post View....

Ciidamada dowladda oo Dhagxaan waa wayn ku xiray Wadada Ex-Control Afgooye ee Duleedka Muqdisho.

0
127

Wararku waxay sheegayaan in Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay xireen Wadada Ex-Control Afgooye ee Duleedka Muqdisho.

Dadka deegaanada ku suga ayaa sheegay in Ciidamada amniga xalay iyo saakay ay dhagxaan waaweyn ku jareen Bartamaha Wadadaas oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka ka yimaada Gobolka Shabeellaha Hoose iyo kuwa kabaxa Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Wadada ayaa waxaa soo mara oo maalinkasta isticmaalla gaadiidka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan kuwa Khudaarta kasoo rara Gobolka Shabeellaha Hoose ee keena Muqdisho iyo kuwa dadweynaha raacaan ee u safra deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhinaca kale Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhagxaan ku jaray laamiga Xaafadda loo yaqaan Galmudug ee ka tirsan Muqdisho.

Ilaa iyo hada lama oga sababta rasmiga ah ee loo xiray Wadada Ex-Control Afgooye ee soo gasha Magaalada Muqdisho,waxaana saakay gaadiidka ay ku kala wareegayaan Xaruntii hore ee Ciidanka Asluubta oo ku taalla halkaas.

About Author