Post View....

Shirkadda maamusha Garoonka Aadan Cadde oo qandaraaska loo kor dhiyay.

0
133

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda fedraalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in qandaraaska loo kor dhiyay shirkadda Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga maamushana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Heshiiskaan oo laba sano ah ayaa dhinacyadu waxay ku heshiiyeen in shirkadda Favori ay garoonka geliso lacag dhan 14-milyan oo dollar oo lagu hor marinayo adeegyada garoonku uu u baahan yahay.

Dhanka kale Wasiirka gaadiidka ayaa tilmaamay in uu kordhay duulimaadka garoonka iyo diyaaradaha ku soo degaya sidaas darteedna ay go’aansatay dowladdu in la balaariyo heshiiska lala galay shirkadda maamusha garoonka Aadan Cadde.

About Author