Post View....

Gen. Indha Qarshe iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga oo gobolka Gal-gaduud gaaray.

0
144

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen.Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe iyo saraakiil kale ayaa saakay ka ambabaxay magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Gal-gaduud.

Taliyaha iyo wefdigiisa ayaa ku wajahan deegaanka Xeraale halkaas oo iyana laga bilaabi doona diiwaangelinta ciidamadii Ahlu-sunna ee ku biiray dowladda fedraalka oo qeybtii hore ee diiwaangeli tu ay ka bilaabatay magaalada Dhuusa-mareeb.

Shalay ayay aheyd markii munaasabad lagu qaramayanayay ciidamadii ahlu-sunna ay ka dhacday magaalada Dhuusa-mareeb waxaana sidaas oo kale deegaano kale ka bilaabanaya diiwaangelin hor leg.

About Author